Dagaalyahannada Xamaas waxay soo galeen gurigayga….

“Dagaalyahannada Xamaas waxay soo galeen [gurigayga], waxaan u sheegay inaan haysto laba carruur ah. Waa wixii koowaad ee aan u sheegay… oo Ingiriisi baan kula hadlay oo ugu sheegay. Gurigay eegeen, oo hubsadeen. Ka dib mid baa igu yidhi, isagoo Ingiriisi igula hadlaya: “Ha werwerin, annagu waxaannu nahay Muslin, ku dhibi mayno”. U qaadanwaa bay igu noqotay, dhinaca kalena, waan ku farxay hadalkaas.

Caruurtayda ayaan la fadhiistay, dagaalyahannaduna kuraas bay ka soo qaateen qolka fadhiga, annagana waxa na ilaalinayay mid ka mid ah oo hubaysan. Kuwa kalena qolka kale ayay ku shirayeen. Mid ka mid ah ayaa madbakha ku arkay Muus miiska dul saaran, waxaanu i weydiiyey: “Midh ka mid ah Muuska ma cuni karaa?”, aniguna waan u oggolaaday.

Weriyaha: carruurtu maxay yidhaahdeen?

Labada ka rooni, wuu werwersanaa, se inantayda yari warkaasba may hayn. Waxay gurigayga joogeen ilaa laba saacadood. Ka dibna mid baa albaabka xidhay oo way tageen. Intaas oo kaliyaa dhacday”.

Haweenay Yuhuudiyad ah oo ka warrantay qaabkii ay ula dhaqmeen rag katirsanaa Dagaalyahannada Xamaas ee qabsaday qaybo kamid ah Gaza. Waxay u warrantay TVga Israaiil.