Shirkadda Somtuna ayaa ka qaybgashay, carwo ganacsiyeed wayn oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Feed the Future ee dalka Maraykanka.

Munaasibaddan oo qayb ka ah barnaamijka Dhaqdhaqaaqa Dib-u-soo-kabashada iyo Dib-u-habaynta Dhaqaalaha (ERRA) ee ay maalgeliso USAID hirgalintiisana leedahay hay’adda TradeMark Africa.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, laguna soo casuumay, Shan waddan oo Geeska Afrika ah ayay shirkadda Somtuna noqotay ta kaliya ee soo bandhigtay kalluun lagu warshadeeyay geeska Afrika, gaar ahaanna Berbera, Somaliland.

Shirkadda Somtuna waxay kor u soo qaadday wax-soo-saarka dalka, iyo ka mandiqaddaba, iyadoo awood ahaan iyo farsamo ahaan ba u diyaarsan inay Geeska Africa iyo suuqyada kale ee caalamka gaadhsiin karto kalluun daray ah oo laga soo saaray baddeena hodanka ah.