Dawladda Itobiya Oo Ka Hadashay Wada-Hadallada Somaliland Iyo Somalia Ee Jabuuti Ka Qabsoomay

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warbixinta toddobaadlaha ah ee ay soo saarto, waxay shalay kaga hadashay shirkaas oo ay ku tilmaantay inuu muhiim u yahay gobalka Geeska Afrika. “Hoggaamiyayaasha dawlada Federaalka Somaliya iyo Somaliland ayaa shir loogu qabtay Djibouti 14 June. Kulanka waxa martigeliyay oo guddoominayay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar GEele, oo yidhi, “Dib u bilaabista wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu sawir fiican u yahay balan qaadka madaxda gobalka ee inay wixii khilaaf ah ee jira wada hadal ku xaliyaan.”

Wasaaradu waxay soo xigatay hadal uu Raysalwasaare Abiye ka jeediyay shirkaas, waxaanay tidhi “Intii lagu gudo jiray kulankan wada tashiga ah ee xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya, Raysalwasaare Abiye Axmed wuxuu hoosta ka xariiqay qiimaha ay nabadda iyo dib u heshiisiintu u leedahay gobalka, oo fure u ah is dhex galka gobalka. Waxa xusid mudan in kulankan wada tashiga ahi dabo socdo kulankii uu bishii February ee sannadkan Addis Ababa ku qabsoomay.

Shirka, wuxuu Raysalwasaare Abiye Axmed, wuxuu kaga waramay khayraadka dihin ee gobalka ku duugan oo si fiican loogu adeegsan karo horumarka gobalka, haddii iskaashiga iyo nabadda lagu hoggaamiyo. Wuxuu xoojiyay “ Wada jir ayaynu khayraadkeena isugu gayn karnaa si aynu u jabino giraanta fakhriga iyo niyad jabka.”

Wasaaradu waxay intaas raacisay  “Hadal uu jeediyay madaxweyen-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell, wuxuu ku bogaadiyay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo yidhi “Waa muhiim, waxaanay  talaabo togan u tahay  hanaanka guud ee xidhiidhkooda, taas oo aan rajo wanaagsan oo keliya u keenayn dadka Somaliya iyo Somaliland, laakiin gobalka Geeska Afrika oo dhan u ah. Waxay qayb muhiim ah u tahay halbeega dhismaha kalsooni abuurka si meesha looga saaro faraqa u dhaxeeya korna loogu qaado dhismaha nabadda, barwaaqada iyo horumarinta gobalka. Djibouti iyo Itoobiya door wanaagsan ayay ka qaateen inuu wada hadalkani qabsoomo.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxa kale oo ay xustay war-murtiyeed ay dalalka saaxiibada caalamiga ahi soo saareen oo ay ku bogaadiyay wada hadalka dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo.

Xigasho: Geeska Afrika