Fadhi Aan Caadi Aheyn oo la iskugu Yeedhay Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Guurtidda iyo Wakiillada ayaa la iskugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan maalinta Khamiista ee 2-da Bisha May.

Sidaasna waxa lagu caddeeyey qoraal  ay wadajir u soo saareen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Ku-simaha Guddoomiyaha ahna  Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtidda Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-

“Sida ku cad Qodobka 38-aad Dastuurka Firqadiisa 6-aad waxa lagu wargelinayaa dhammaan Mudaneyaasha  labada Gole (Guurtidda iyo Wakiillada) inay iskugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn maalinta Khamiista ee Bisha May tahay 02/5/2019, saacadu markay tahay  9:00 Subaxnimo oo ah mid muhiim ah.”

Xigasho:- SOLNA