Guddoomiyaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan โCirroโ iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan Boorama ayaa waxay maanta la tukadeen salaadii Jimcaha dadweynaha Boorama.
Waxaana salaaddii Jimce ka dib oo Guddoomiyuhu uu halkaas kula hadlay dadweynaha ku soo tukaday Masjidka isaga oo dhammaantoodba Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaasha suuban sida oo kalena uu Alle ka baryaayo in uu ummadda Somaliland, gaar ahaan kuwa abaaraha iyo biyo laโaantu hayso ee Goballada Galbeedka uu ka soo jabiyo, uguna deeqo raxmaadkiisa.