Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa maanta gelinkii danbe ka qayb galay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo xadhigga lagaga jarayey dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay dugsiga boodhinka Degmada Laas-geel. Xafladdan oo ahayd mid il-yartu is qabatay ayaa wasiiru-dawluhu xadhigga kaga jaray dhismahan ay yeelan doonto magaalada Dacar-budhuq ee gobolka Maroodi Jeex.
Dadka ka soo qayb galay xafladdan waxa ka mid ahaa qurba-joogta magaalada Laas-geel oo iyagu bixiyay tabarruca lagu dhisay dhismaha cusub. Sidoo kale, waxa ka soo qayb galay masโuuliyiin uu ugu horreeyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada oo isagu ugu horreyn halkaasi ka hadlay kuna ammaanay dadka deegaanka dedaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan horumarinta Dacarbudhuq ee dhinaca waxbarashada . Isagoo ka hadlaya guusha ay gaadheen dadka deegaanku wuxuu yidhi:
โArrintani waxay tilmaamaysaa xilkasnimo dheeraad ah iyo ammaan aad leedihiin.โ
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:
โDegmadani waxay ka mid tahay degmooyinka ugu ardayda badan leh waddanka.โ
Waxa kale oo yaguna xafladdan ka soo qayb galay aqoonayahanno ay ku jirto madaxii hore ee UNICEF Faadumo Axmed Sheekh, madaxdaย Hayโadda UN Habitat Caasha Maxamed Nuur waxayna ku dheeraadeen ahmiyadda aqoontu u leedahay ummadda, iyagoo guud ahaan bulshada deegaanka Laas-geelna ku boorriyay in ay la jibbaaraan dedaalkooda. Waxa iyaguna doorkooda ka ciyaaray madasha qurbo joogta Dacarbudhuq.
Waxa isna madasha ka hadlay Guddoomiyaha Waxbarashada ee Laas-geel, Axmed Maxamuud Xasan. Guddoomiyuhu wuxuu warbixin ka siiyay qurbe-joogta magaalada ee dhismahan u guntaday isagoo tiraabay baahiyaha kale ee waxbarasho ee magaaladu u baahan tahay.
Qaar ka mid ah Salaadiintaugu waaweyn oo ka soo jeeda Laas-geel ayaa iyaguna madasha ka hadlay. Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo isku-duubnaan bulshada dhex marta iyo wanaagga oo la isku kaashado. Shirkaddii dhistay dugsigan Global Construction Company ayaa yana madasha lagu soo casuumay, Eng Sayid Maxamed Yaasiin oo ah guddoomiyaha hayโaddaas ayaa soo xaadiray madasha.
Degmada Laas-geel ee gobolka Maroodi-jeex, oo ku taalla bariga Hargeysa, waa mid ka mid ahaa goobaha ugu qadiimisan ee qaaradda Afrika siday ay sheegeen khubaro baadha aasaarta qadiimiga ah oo Faransiis ah kol ay yimaaddeen Somaliland iyagoo sheegay in ay jirtay degmadani in ka badan saddex kun oo sanno.
Guuleed Dalxa