John Kerry oo walaac ka muujiyey doorashada Yugaandha

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa waxa uu Madaxweynaha Ugaandha Yoweri Museveni u sheegay in uu walaacsan yihiin dhibaateynta mucaaridka iyo doorashooyinka Ugaandha.

Kizza Besigye oo ah mucaaridka ayaa waxa la xidhay maalintii doorashada, kadibna la sii daayey wakhti dambe oo Khamiistii ah.

Maraykanka oo taageero dhaqaale siiya Ugaandha waxay sheegeen in ficillada boolisku ay su’aal gelinayaan sida la iskugu hallayn karayo in doorasho sax ah ay ka dhacday Ugaandha.

Wali waxa socda tirinta codadka, balse wararka hordhaca ah ee la tiriyey ayaa waxay sheegayaan n Madaxweyne Yoweri Museveni uu haatan hayso 62%, halka ninka mucaarida ugu xoogani ee Kizza Besigye uu haysato 32%.

Sidoo kale waxa ay xukuumaddu xidhay isticmaalka baraha bulshada inta ay socoto doorashooyinka Madaxtooyadda, Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaanka.

bandhige@gmail.com