Guddoomiye Cirro wuxu  Shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyey Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Xildhibbaan Ibraahim Kacaan

 

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba wuxu shacabka Somaliland uu ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Ibraahim Axmed Heybe (Ibraahim Kacaan) oo ka tirsanaa golaha Wakiilada Somaliland isla mar ahaantaana maanta 09/04/2018kii ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo mudaneyaashii aqalka golaha Wakiilada Somaliland ee uu Marxuumku ka tirsanaa mudada dheer isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na wuxu tilmaamay in uu ahaa odey reer Somaliland ah oo si weyn uga soo qeyb-qaatey halgankii dib looggu xoreynaayey dalka iyo weli ba dib u heshiisiintii beelaha Somaliland. Waxa kale oo uu xusay in Marxuumku uu muddo dheer ka soo mid ahaa xildhibbaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee wakhtiga badan u soo hurey siddii qaranka Somaliland u horumari lahaa una heli lahaa shuruuc iyo nidaamyo kala dambeyneed oo ku dhisan sharciyo adag.

Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.

INNAA-LILLAAHI WA-INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga WADDANI


Hargeysa, Somaliland