Heathrow Airport waxa laga dhigayaa maddaarka dunida ugu weyn

Kadib markii uu jiray ku dhawaad qarni, Maddaarka Heathrow ee London waxa laga dhigayaa ka ugu  weyn adduunka dadka ugu badan u adeega. Hadda wuxu u adeegaa  sannadkiiba ku dhawaad 80 milyan oo qof, 2030-ka wuxu u adeegi doonaa 110 milyan oo qof.

Dood socotay tobanaan sanno kadib, ayaa sharcidejiyeyaasha Ingiriisku ansixiyeen in lagu kharash-gareeyo 20 bilyan oo Doollar ballaadhinta maddaarkan.

In kastoo dhaqaalihii loo baahnaa hadda loo diyaariyey haddana waxa la filayaa in caqabado kale ka hor yimaadaan. Dadweynaha deggan guryaha la dumin doono ayaa la filayaa in ay muddaharaaddo iyo iska-caabin keenaa, sidoo kale xisbiga Labour-ka ayaa ku dhawaaqay in ay qorshahan joojin doonaan haddii ay guulaystaan.

Maddaarrada kale ee London ku yaalla ayaa isku dayey in ay la tartamaan, laakiin waa ay ku guulaysan kari waayeen. Maayarkii hore ee London Boris Johnsonn ayaa doonayey in jasiirrad cusub laga dul yaglaalo wabiga dushiisa kaas oo maddaar cusub laga dhiso halkii Heathrow laga ballaadhin lahaa, waase ay ka socon wayday.

Heathrow haatan waa maddaarka 7aad ee dunida ugu mashquul badan, iyadoo ay ka horreeyaan maddaarradan soo socda oo u kala mashquul badan sida ay u kala horreeyaan: Hartsfield-Jackson Atlanta (Maraykan), Beijing Capital (Shiinaha), Dubai (Imaaraadka), Tokyo Haneda (Japan), Los Angeles (Maraykan) iyo Chicago O’Hare (Maraykan).

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah