Guddiga Xuquuqal Insaanka Qaranka (NHR) iyo shaqooyinka ay qabtaan (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Qormadeenan kooban waxaynu kaga hadli doonnaa muhiimadda ay leedahay Hay’adda Xuquuqul insaanka Qaranka iyo taariikh kooban oo ah sida ay ku soo bilaabantay iyo inay tahay muraayadda laga dheehan karo hab dhaqanka wadan kasta uu ula dhaqmo muwaadininta iyo dadka kale ee martida u ah iyo sida ay ula tacaalaan xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadmiga.ugu danbayn waxaynu Xusi doonnaa Qaabka ay Somaliland u soo xushay.

Shirkii lagu qabtay paris(Paris act of principle) 7-9/October/ 1991 ayaa loo aqoonsanyahay inuu yahay halka ay ka soo farcantay hay’ adaha xuquuqal insaanka qaranka ee waddamada aduunku wuxuna u xilsaarantahay hirgelinta iyo dhowrista Xuquuqda aadamaha ee waddanka wuxuu waafaqsanyahay waa (paris act of principle)e qaraarka Guddiga xuquuqda Aaadamaha ee Qaramada Midoobay(UNHRC) ee tirsigiisu yahay 1992/54 ee soo baxay 1992kii iyo qaraarka Golaha guud ee Qaramada midoobay 48/134 ee 1993kii qodobada shirkan (Paris) wuxuu xidhiidh la leeyahay hayadaha Xuquuqal insaanka qaramada Adduunka iyo habka ay u shaqeeyaan ama u hirgeliyaan ilaalinta xuquuqda Aadmiga.

Kulankan iyo qodobada ka soo baxay waxay hagaan  hayadaha Xuquuqal insaanka ee

Qaranka.

Shaqooyinka ay qabtaan Gudugan waxa ka mid ah inay ilaaliyaan Xuquuqda dadka Nugulka ah ama Groupyada minority ah,dadka laga tirada badanyahay,Carruurta,Qoxoontiga ,Curyaaminta iyo naafada iyo Dumarka. Waxa kalo ay leeyihiin qayb afhayeen u ah dadweynaha iyo shakhsiyaadkaba waxa kaloo ay dabagal ku sameyaan hay’adaha garsoorka iyo jeelasha iyagoo hubinaya inaanu ka dhicin Xadgudub xuquuqda Aadmiga ahi waxana laga rabaa in dhamaan dadkaasi ay helaan caddaalad iyo sinaan sharciga hortiisa.

Waxay awood u leeyihiin Guddigani inay Cilmibaadhis sameeyaan oo ay ka diyaariyaan Qoraallo waxa kaloo ay qaban karaan tabo barro iyo aqoon ku saabsan arrimaha xuquuqda Aaadmiga,

Habka Guddigan loo samaynayo waxay ku xidhantahay habka uu u yaallo sharciga waddanka  iyo Duruufaha u gaarka ah dalkaas. Inta badan waddamada habka magacaabista Guddigan waa heer madaxweyne waxase lama huraan ah in dad aqoon teeda leh la helo ama u ehel iyadoo dabcan la waafajinayo qaabdhismeedka bulshada (Social Structure).Si uu u noqdo guddi la isku hallayn karo oo ka jawaabi kara heer caalami iyo heerka duruufta waddankaba.

Hay’ada Xuquuqal insaanka Qaranka waxa kharashkeeda bixiya Xukuumadda waxase xusid mudan inay ka madaxbanaan tahay xukuumadda marka la eego howleheeda shaqo waana inay noqotaa biriijka isku xidhaya bulshada Rayidka ah iyo Xukuumadda.

Hay’adda xuquuqal insaanka qaranka waxay xidhiidh toos ah leeyihiin Guddiga xidhiidhka caalamiga (ICC) gudigan oo xidhiidhiya (UNHRC)xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadamaha  iyo hayadda ilaalinta xuquuqda Aadamaha ee wadanka ( NHRC) halkan waxay ka noqonayasaa Biriijka isku xidhaya waddanka iyo Dunida inteeda kale.

Guud ahaan waxaynu ka fahmaynaa marka si kasta loo eego inay tahay hay’ad muhiimad balaadhan ugu fadhida qaranka oo ah mid iib gayn karta xushmadda Sumacadda iyo qadarinta,aynu caaalamka ka dhex kasban karno.

Somaliland waa qaran aan ka haysan caalamka Ictirafaa hase ahaatee u jirta hab Xaqiiqo ah (Defacto State) waxayna wax badan kaga horraysaa oo xagga Demaocracy iyo nabadda waddamo badan oo geeska Africa biyo caalamka kaleba.

Dabcan waa dal yar oo duruufahiisa iyo waayihiisaba ay ku gadaaman yihiin sidaas darteed Anigoo aan xog ka hayn heerka Aqooneed ee xubnaha guddigan waxan soo jeedin lahaa in la taageero Guddiga Xuquuqul insaanka Qaranka ee Dhowaan Madaxweynaha J,S,L Mudane Muuse biixi cabdi  uu magacaabay isla markaana waa in lala shaqeeyaa.

Sababtu waxa weeyaan waa hay’ad marka guudka laga joogana aan loo arkayn wax wayn haddana macno aad u ballaadhan ku fadhida oo aad u ah Xasaasi isla markaana gol jilic ay cadowgu soo bidhaansan karaan marka la joogo ama laga Hadlayo arrimaha Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ahba.

 

Wa billaahi towfiiq

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213