Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan Gaar ah La Qaatay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo salaasa ah taariikhduna tahay, 10-07-2018 kulan gaar ah la qaatay siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, xubinna ka ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday is afgarad, waxaana ay madaxweynaha iyo siyaasigu isla qaateen inay si joogto ah uga wadashaqeeyaan danta guud iyo horumarka qaranka.

Labadan masuul ayaa waxay ku kala duwanaayeen artida siyaasadan tan halgankii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii.

Sidoo kalena Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa shaqsiyaadka loo nisbeeyey eedaymaha xisbiga Kulmiye ku eedeeyaan xisbiga Waddani ee ah in ay had iyo jeer siyaasada Waddani la socoto ta Soomaali weyn.

bandhige@gmail.com