Komishanka Doorashooyinku waxay xisbiyada u soo bandhigeen qandaraasyadii doorashooyinka oo ay baahiyeen

 

Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa kulan la qaatay Hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, waxaannay ka wada-hadleen qaybinta Kaadhka codbixiyaha, iyaddoo la guddo-galaayo Wajigii labaad ee bixinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha doorashadda Madaxtooyadda Madaxda Koomishanka doorashooyinka iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabta siyaasaddu waxay isla eeggeen Caqabaddihii jirey Wareegii hore ee qaybinta Kaadhka Codbixiyaha, iyaddoo kulankaas lagu soo qaadday talooyin ku saabsan sidii looga taxaddari lahaa waxyaabaha dib u dhaca keenni kara. Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa deggelka ay ku leeyihiin barta internetka   ku baahiyay War qoraal ah oo ay kaga hadleen Xog-waranka ay siiyeen Saddexda Xisbi siyaasaddeed ee Somaliland oo ay uga warameen halka ay marayso hawlaha Kaadh qaybinta Codbixiyeyaasha doorashadda Madaxtooyadda oo loo asteeyay inay qabsoonto 13 bisha 11aad ee Sanadkan 2017-ka, iyaddoo kulankaas lagu soo qaadday diyaar-garowga labadda gobol ee hadda la bilaabaayo ee Togdheer iyo Marroodi-jeex Koomishanka Doorashooyinka Qaranku  wuxu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey, Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo baahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhammaystiro, ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada Madaxtooyada.

Sida oo kale Koomishanka Doorashooyinka qaranka  iyo Saddexda Xisbi Qaran waxay isla qateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horaynayaan warqada codbixinta iyo qoraalada kale ee doorashada Madaxtooyadda ee Sanadkan 2017 oo u dhacday hab daah furan oo qori-tuur ah.

Kulankan ayaa jawi is afgarad ah ku soo dhamaaday, waxaana uu kulankani qayb ka ahaa kulamada Koomishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyadu ay isku waraystaan kolba halka ay marayso shaqadu.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com