Madaxweynaha Philippine waxa uu si xun u aflagaadeeyay Madaxweynaha Maraykanka

Madaxwynanaha Maraykanka Barack Obama ayaa diiday in  uu la kulmo Madaxweynaha dalka Philippine, Rogrigo Duterte, oo si shakhsi ah u aflaageedeeyay Obama.

Isniintii ayaa madaxweyne Rodrigo Duterte, waxa uu Obama ku tilmaamay in uu yahay wiil ay dhashay hooyo jidhkeeda ka ganacsan jirtay.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu markii dambe Duterte ku sheegay in uu ka xun yahay weerarkaasi shakhsiga ee uu ku qaaday Obama.

Madaxweyne Obama, oo ka degay dalka Laos ee koonfur bari Aasiya kadib markii uu ka qayb galay shirka waddamada G20 ee lagu soo gaba-gabeeyay dalka Shiinaha ayaa lagu waday in uu walaac ka muujiyo tacaddiyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka ee ka jira dalka Philippines.

Madaxweyne Obama markii hore waxa uu u muuqday mid aan waxbo ka soo qaadeyn aflagaadadaasi uga timid madaxweynaha Philippines, waxaanu sheegay in uu ka codsaday la taliyeyaashiisa in ay darsaan suurtagalnimad in ay ka wada hadli karaan arrimo muhiim ah, balse markii dambe waxa la joojiyay kulan dhex mari lahaa labadani mas’uul.

Socdaalkan ugu dambeeya ee uu Obama ku marayo qaaradda Aasiya isaga oo madaxweyne ah ayaa la kulmay dhowr dhacde oo aan fiicnayn, waxaana ka mid ah muran dhanka nidaamka ah oo kala dhaxeeyay dalka shiinaha oo marti gelinayay shirkii G20.

Qarmada Modoobay ayaa horey dhowr jeer u cambaareysay siyaasadda Duterte oo ay ku sheegtay in uu ku kacay xad-gudubyo ka dhan ah aadanaha.

Tan iyo markii uu madaxtinimada dalkaasi uu la wareegay ayaa Duterte waxa uu diiday in uu ka fiirsado aflagaadada madaxda caalamka.

Wuxuu horay u aflagaadeeyay Pope-ka, masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo danjiraha Maraykanka ee Philippine.

Sidoo kale waxa saluug weyn laga muujiyey soo dhoweyntii uu Shiinuhu u sameeyey Madaxweyne Obama, kadib markii loo diiday in loo dhigo diyaaradda Madaxweynaha salaanka diyaaradaha dadku kaga soo dhaadhacaan,  taasi oo sababtay in uu Obama ka dego albaabka diyaarada oo leh salaam laga daadago.

US President Barack Obama disembarks from Air Force One upon arrival at Hangzhou Xioshan International Airport in Hangzhou on September 3, 2016. World leaders are gathering in Hangzhou for the 11th G20 Leaders Summit from September 4 to 5. / AFP / SAUL LOEB (Photo credit should read SAUL LOEB/AFP/Getty Images)
bandhige@gmail.com