Shiinaha wuxu furay maxkamad Internet-ka ku shaqaysa

 

Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horeysey furay Maxkamad khadka internetka ku shaqaysa oo dhagaysata dacwadaha la xidhiidha internetka sida ay faafisay warbaahinta dawladda Shiinaha.

Maxkamaddan ayaa laga furay magaalada Hangzhou waxaana ay Jimcihii dhagaysatay dacwaddii ugu horeysay oo u dhaxaysay nin qoraa ah iyo shirkad bog internet leh, iyada oo labada dhinac ee ay dacwadda u dhaxaysay ay kumbuyuutarkooda kala socdeen dhagaysiga dacwadda.

Dhagaysiga dacwadda waxa ay qaadatay 20 daqiiqo oo kaliya.

Xaakimiinta ayaa marka hore la dhaarinayaa ka hor furitaanka dacwadda, waxaana kaliya ay maxkamadda dhagaysataa dacwadaha xagga rayidka ah sida muranada ka dhasha dukaamadda khadka internetka badoocooyinka kaga iibiya macaamiisha .

Eedeysanayaasha iyo dacwad-qabayaasha si shaqsi ah maxkamadda ugama soo muuqanayaan, ee khadka ayay muuqaal ahaan usoo galayaan, halkaas ayaana lagala socon dacwadda.

“Internetka waxa uu talaabay xuduudaha muuqda, waxana uu naga caawinayaa in aan waqtiga beekhaamino” ayuu yidhi Wang Jianggiao, Madaxweyne ku xigeenka maxkamaddana.

Sannadkii 2016-kii ayay dowladda Shiinaha bilowdey in ay khadka ka baahiso dacwadaha ka socda maxkamadaha caadiga ah, balse talaabadaasi waxa dhaleeceeyey dadka qaar oo sheegay in in dadka aysan dooneynin in arrimahooda gaarka ah ay dadka kale ogaadaan.

Habkan maxkamadda internetka waxa uu ka jiraa dalal kale sida Canada oo kale, halkaasi oo dadka ay dacwadahooda ku xalin karaan arrimaha la xidhiidha wixii ka yar $5,000.

bandhige@gmail.com