Hoggaamiyeyaasha waddamada ugu dhaqaalaha weyn adduunka ayaa waxa uu uga furay shirkoodii sannadlaha ahaa ee G20 magaalada Hanjuu ee dalka Shiinaha.
Xaaladda dhaqaale ee caalamka ayaa noqon doonta arrinta ugu muhiimsan ee ay hoggaamiyeyaashani ka wada hadli doonaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ka digay in soo kabashada dhaqaale ee gaabiska ah ee caalamka ay halis ku tahay waddamada saboolka ah.
Maalinta ugu horreysa shirkan ayaa waddamada ka qayb galaya waxa ay yeelanayaan kulamo gooni gooni ah oo ay uga wada hadlayaan iskaashiga ka dhaxeeya.