Ugu yaraan 48 ruux ayaa ku dhintay xarunka lagu qubo oo noqoday sida buuraha oo kale, dushana ka martay guryo ku yaala duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay saraakiishu sheegeen.
Waxa kale oo ay sheegeen in wali la laa’yahay tiro dad ah tan iyo markii uu qashinkaasi ku dumay guryo ay dadkaasi degaayeen Sabtidii, dadka deegaanku waxay sheegeen in ay halkaas ku sugnaayeen 150 ruux, marka uu shilku dhacay.
Qashinka oo aad u badnaa ayaa aasay guro halkaas ka dhisnaa oo macmal ah,
Goobtaas ayaa qashinka magaalada Addis Ababa lagu daadinayay muddo 50 sanno ka badan.
Afhayeen u hadlay magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in carruur badan ay ka mid yihiin dadka halkaas ku dhintay.
Waxa laga cabsi qabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto.