Urur Siyaasadeedyada Somaliland oo ku Baaqay in la is Garab Taago Ciidamada Qaranka

Guddoomiyayaasha urur siyaasadeedyada Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), ayaa garab istaag u muujiyay ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore, waxaanay bulshada ugu baaqeen inay garab istaagaan isla markaana ilaaliyaan midnimada dhexdooda iyo nabdgelyada.

Sidoo kale waxa ay xuseen in aanay wakhtigani ahayn xilligi siyaasada iyo yooyootanka balse ay tahay xilligii la garab joogsanlaha ciidamada Qaranka loolana sugilahaa abniga dalka si looga qabto cidkasta oo ku soodushay.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka codsada uu yahay duulaan dibedda lagaga soo qaaday JSL, kaas oo la doonayo in lagu majaxaabiyo jiritaanka Qarannimada Somaliland.

Waxaanu dhallinyarada buurta Gacan-libaax gashay ka codsaday in ay nabada qaataan Qarankooda u hiiliyaan, waxaanu xukuumadda Somaliland ka codsaday in baadhitaan qoto dheer lagu sameeyo dhacdadii shalay.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bulshada JSL, ugu baaqay inay ciidanka Qaranka isgarab taagaan, hilow iyo kalgacal la garab istaagaan oo ay taakuleeyaan, waxa uu intaas ku daray in ka urur ahaan ay jecel yihiin in bulshada horumarkeeda, walaalnimadeena isku duubnideeda la xoojiyo.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in loo midoobo xaalada hadda dalku ku jiro.

Sidoo kale waxa uu soojeediyay in meel looga soowada jeesto sidii loo difaacilahaa Qarannimada JSL.