Qiso waxtar wayn uleh dumarka somaliyeed

Gabadh qurux badan oo Xaas aheyd ayaa waxay jeclaysaty in ay disho ninkeeda oo ay markaas ka wayday sidii ay ka rabtay.

Xilli subax ah ah ayay iyada oo ordaysa u timid hooyadeed waxayna ku tiri “hooyo ninkeyga waan ka daalay wanaagna waan ka waayay wax jacayl ah kuma haysto inuu ifurana ma ogola waxaana rabaa inaan dilo, balse waan cabsanayaa oo waxaan ka baqayaa sharciga ee ma igu cawin kartaa qaab aan u dilo oo dambi ley qabsaneyn?.

Hooyadii waxay ku jawaabtay haa hooyo waan kaa caawin karaa, balse shaqo yar ayaa ku xiran ee ma sameyn kartaa?.

Gabdhii waxay ku jawaabtay haa hooyo, diyaar ayaan u ahay inaan hawshaas qabto, si aan ninkaas uga takhaluso.

Hooyadi waxay ku tiri “qodobadan samee”.

1-Waxaad dareensiisaa mar walba oo uu kula joogo nabad iyo xasilooni, si marka uu dhinto aan adiga lagaaga shakin.

2-is qurxi mar walba oo uu kula jooga, si uu kuu fiiriyo, oo aad u noqto gabadh yar oo soo jiidasho leh.

3-si fiican u daryeel inta uu kula joogo, una noqo qof fiican si uu mar walba kuugu bogo.

4-mar walba dulqaad iyo jacayl u muuji maseyrkana ka yaree, hadalkiisa dhagta u raaraci oo si fiican u dhagayso, aad u taxgali una adeec.

5-lagactada ku kharash garee, hana ku xanaaqin, marka uu biilka kuu keeno inta ay doontaba ha la ekaatee.

6-codkaaga kor ha ugu qaadin, hana ka hor imaan, balse dhiirageli, jacayl iyo ixtiraamna sii, waligaa lagaagama shakin doono marka uu dhinto.

Intaas oo dhan ma qaban kartaa? Hooyadi ayaa sas tiri, Haa hooyo ayay ugu jawabtay gabadhi.

Haye qaad dawadan oo maalin walba cuntada ugu dar si tartiib ah ayuu u dhiman doonaye.

30-maalin kaddib ayaa gabdhii ku soo noqotay hooyadeed, waxayna ku tiri “Hooyo marabo inaan dilo ninkayga, hadda wuu is badaly, anna waan jeclaaday, waayo waxa uu noqday nin dhamaystiran, hadda waa nin aad u wanaagsan, waligayna wanaagaas kamaanan filanynin.

Maxaan sameeya si aan suntii jirkiisa uga joojiyo?.

Hooyo fadlan i caawi, way qoomoonaysay wayna ilamaynaysay, waxayna ku hadlaysay cod murugo badan.

Hooyadi waxay ugu jawabtay hooyo ha murugoon waxaan ku siiyay sun ma ahayn ee waxay ahayd daawo iska caadiya ninkaagana ma dilayso.

Runtii adiga ayaa suntii ah, taas oo dileysa ninkaaga, mana ah inaad disho ee waa inaad dhaqankiisa dishaa.

Marka aad billowday inaad jacayl iyo ixtiraam u muujiso, ee aad sharaftay markaas ayuu go’aansaday inuu isbedelo oo uu nin fiican kuu noqdo.

Xaqiiiqdii raggu malaha dhaqan ku lifaaqan, balse waxay sameenayaan waa jawaab celinta waxa ay inaga arkaan.

Haweenow haddii aad ninkaaga tusto jacayl qadarin, ixtiraam, iyo daryeel 100% asaga ayaa kaa fiicnaan doona!.

Sodoh fiican.

Bandhige@gmail.com