Aasaaskii daraawiishta ( WQ: Ahmed Nur Guruje)

Sanadkii 1900 ayaa Sayd Maxamed Cabdile Xasan kasoo baxay magaaladda berbera isagoo kasoo cadhooday maamulkii magaaladda Berbera , ka dibna wuxuu soo gaadhay Magaaladda Burco . Burco waxaa kusoo dhaweeyey Suldaan Nuur Axmed Amaan oo ay dawladda ingiriiska is hayeen maadaama dawladdu taageertay Suldaan Cawad Diiriye sugule oo ay saldanada isku hayeen .

1900 Burco waxaa isugu yimi  , Sayd Maxamed Cabdile Xasan oo berbera kasoo cadhooday , Suldaan Nuur oo ay ingiriiska horre isu hayeen iyo Xaaji Suudi oo ahaa nin ka qayb galay dagaalkii Mahdiga Soodaan , horrena uga tirsanaan jirey ciidamada ingiriiska, sadexdaas nin ayaana ku heshiiyay aasaaska daraawiisheed .

Magaca daraawiisheed oo ahaa magacii ay isticmaali jireen xarakadii mahdiyiinta Soodaan , duubka cad iyo manhajka halganka waxaa dejiyey Xaaji Suudi oo ahaa waayo arag Soodaan kasoo dagaalamay , sidoo kale waxaa marti gelinta sameeyey Suldaan Nuur .

1901 daraawiishtu waxay samaysay dhoolatuskii ugu horeeyey , waxaanay ku samaysay magaaladda Burco , waxaanay isu keentay ciidan ka kooban 3 kun oo ka tirsan beelahan .

Ogaadeen , Bah-gerri , Makaahiil .

Dhulbaante , Cali gerri , Bahrarsame ,Barkhad .

Habarjeclo , Axmed Faarax , Reer Yuusuf iyo Aadan madoobe .

Habar yoonis  , Muuse ismaaciil , sacad yoonis iyo Xirsi barri .

Intaa ka dib , isla sanadkaas , daraawiishi waxay dhaq-dhaqaaqii ugu horaysay ku tagtay Oodwayne iyo sheekh , waxaanay gubeen dariiqadii sheekh .

Sidaas ayaanay aasaasayaasha daraawiishtu ku ahaayeen sadexdan nin ee kala ah .

1- Sayd Maxamed Cabdile Xasan .

2- Xaaji Suuddi .

3- Suldaan Nuur Axmed Amaan .

Dhamaan taariikhdani waxay ku qoran tahay oo lagga heli karaa ,qofkii doonayaana uu si yar ugala soo bixi karaa ,buugaagtan .

1- Buuga la yidhaahdo , Taariikhda daraawiishta , by Aw Jaamac Cumar Ciise .

2- Mad mulah in Somaliland .

3- Winston Charles and Madmulah in Somaliland .

4-Sand,Soil and Somali Darwiish movement .

 

La soco qaybo kale oo ka mida taariikhda .