Wasadiyadda Sucuudiga ee Maraykaanida xidhan! ( WQ: Mustafe Kaydsane)

Sucuudigu waxay dhaheen Islaam Wasadi/dhexdhexaad ah ayaan bilaabaynaa. Hadda ba intii #Trump uu u soo qori lahaa kutub cusub oo far-jaan ku qoran oo la leeyahay waa “Wasadiya”, may kutubtii badanayd ee Sheekh Yuusuf Qardaawi ee uu Wasadiyadda ku baaqayey 35 sanno ka hor intay dib u soo daabacaan dhahaan “wasadiyadda kitaabka iyo sunnadu sheegtay waatan”!

War maxaa haysta ciggaalaydii, lacagi kuma yeedho oo jisyo/baad baa loo qaatay hal tirilyoon oo doolar dhaqaale kor u dhaafay, diintii ay ku ahaayeen “ilaaliyayaasha-xaramaynkana”, waataa la rabo in laga dhaxal-wareejiyo!!

Ma is tidhaahdeen kuwan waxaaba ku dhaboobay xadiithkii Rasuulka(scw) ee ahaa “waxa jiri doona wakhti hadday gaaladu galaan god muuso-cagalay gasho aad ka daba dalaq odhana doontaan”.

Nimankan Dijaalkii la sugayey ba mid ay iyagu abuureen baa uga soo horeeyey!!

“Wahaabiyadda in aanu faafino waxa nagu amray Maraykanka” waxa mar ay Foxnews waraysanaysay sidaa sheegay #BSalmaan. Eeg hadda, halkaa waxa ku buray heshiiskii ay wada dhigteen reer Aala-Sucuud iyo Alaala-Wahaab markii Boqortooyada Sucuudiga la aasaasay, ee ahaa “anna na diinta naloogu iman maayo, idin na waa idinku xukumka boqortooyada cusub”. Waxay ka dhigantahay diinta macmalka ah ee hadda daawaha saaran na “waxa nagu amray Trump”.

Aduun caaryaale ma taasaa u dambaysay labadii Xaram ee barakaysnaa?