Maxaad ka taqaana maalinta D-DAY ( WQ: Rashiid Odowaa)

Maalinta maalmaha “Day of the days” ama maalinta aanay maalin ka danbayn “Dooms Day”Waxay ahayd wakhti waddanka fransiiska intiisa badan uun gacanta u galay xukumaddii Naziga Jarmalka,isla markaana wakhtigu ku adkaaday waddamada xulufada ah ee Britain,france,Belgium iyo waxay cago ku qaattaan  waxa dagaalka soo Galay waddamada Maraykanka, Canada,Australia iwm.

Bishii juun 6 1944 goor habeenimo ah ayay soo gaadheen 156,000 oo ka mid ahaa ciidamada Xulafada ah,iyagoo ka soo gudbay English Channel xilligan oo dhaxan qaboobi dhacayso waxay ciidamadu saarnaayeen Doonyo iyo maraakiib,hase ahaatee xeebaha gobolka Normandy waxa ka sokeeya Silig iyo dabinno looxaan ka samaysan ayaa xeebta biyaha ku teedsan,miinooyinka badda,iyo berriga oo qalcado adag oo dalool kasta uu ka soo jeedo qoryaha Boobaha loo yaqaanno,waxay xidheen ciidamada Jarmalku difaac aad u adag oo kala danbeeya,noocba nooc yahay.

Inta aan dagalka la qaadin waxa waddanka Ingriiska la isugu keenay ciidamo gaadhaya 2milion,waxa ka horreeyay dagaalka jaho habaabin badan oo ay ciidamada xulafadu sameyeen iyagoo iska dhigaya inay weerarka ka soo gelayaan dhinaca xeebta loo yaqaan Gobolka “Calais”waxay ku daadinayen barashuud fake ah oo u eg in ciidamo iyo tawangi la daadinayo, idaacadda BBC ayaa ka qayb qaadatay sahaminta xeebaha iyo goobaha laga gali karo weerarka iyo Cimilada dhulka sida ay tahay, iyagoo qalab u dirayay sawirro sahan ah ka soo qaadayay xeebaha Normandy,waxayna malaayiin sawirro ah u direen xafiisyada dagaalka laga maamulyay,waxyaabah xulafada caawiyay waxa ka mid ahaa Jarmalka oo aaminsanaa in xilligan cimiladu adagtahay oo aan weerar lagu soo qaadi Karin,iyo sarakiisha Jarmalka oo aan u sheegi Karin Adolf Hitler Xogta ay helaan cabsi darteed,maadama uu ahaa kaligii Taliye.

Siday doonto ha u dhacdo ee ciidamada Xulafado way isku maqiiqeen way ku cabaadeen,dagaalkiina Cirka,Badda,iyo berrigaba wuu is qabsaday,Ciidamada xulafada (Allied Forces)wixii dhintay mooyee wixii kale waxay orod ku galeen Qalcadihii ay ciidamada jarmalku ay dhufayska kaga soo jireen,sidaas ayaanu ku jabay jarmalku laga bilaabo maalintaas 11 bilood ayay ku qaadatay ciidamada xulufadu inay cagta mariyaan Jarmalka sidaas ayana lagu soo afmeeray dagaalkii labaad ee adduunka.

Ciidanka ka qayb galay dhinaca xulufadu maalintaas  wuxu dhamaa 156 askari,waxay ka degeen shan aag ama xeebood oo gobolka Normanday ah,Maraakiibta iyo doonyaha ciidanka daabulayay waxay dhamaayeen 7,000 iyo 10,000 oo baabuur, ciidamada Xulafada marka la isku geeyo waxa ka dhintay 4,400 askari,Ciidamada jarmalka waxa ka dhintay tiro u dhaxaysa 4000 ilaa 9000 waxa kaloo ku dhintay kumanaan rayid ah oo reer France ah.hase ahaatee illaa aakhirkii dagaalka waxa ku dhintay dad aad u faro badan oo aan la soo koobi Karin.

Maanta oo ay ku beegantay 75 guuro,dagaalkaas taariikhda galay waxa ka qayb gelaya xaflad iyo ubax dhig loo sameeyay ciidamadii ku dhintay oo xabalohoodii booqday madaxda hogaaminaysa waddamada dagaalkaas ku lug lahaa sida Donald Trump,Emanuel Macron,iyo Theresa May waxa kaloo xafladda ka soo qayb galay nimankii  Sooyaalka ahaa (War veteran) ee dagaalkaas ka soo bad baaday ee maanta nool oo aad u faro badan,Harry Read  da’da 95 iyo John Hutton 97 oo ka mid ahaa nimankii xilligaas soo bad baaday ayaa baarashuut diyaarad kaga soo booday iyagoo xusaya halkii ay ka dagaal galeen 75 sano ka hor

Madaxdii halkaas isugu timid waxay,hadallo qiiro leh ka soo jeediyeen goobahaas kala duwan ee xabaalaha askartooda iyagoo ubax dhig u sameeyay,waxay ku tilmaameen haddaan raggaasi naftooda u hurin inaanay sii jirteen ilbaxnimada maanta ay dunida hogganka ugu hayaan.

Madaxda wakhtigaas dagaalkan fikirkiisa lahaa ee taariikhda galay waxa ka mid ahaa,Raisalwasarihii Ingriiska ee Xilligaas Sir Winston Churchil madaxweynayshii maraykanka ee Franklin Rosevelt iyo Harry Truman iyo Charles Diigool oo ahaa madaxweynihii Fransiiska.

XIGASHO BBC NEWS

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213