Xikmadaha

Imam Qasaali wuxu yidhi : “ Qofka doonaya inuu Allah (sw) ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo sees u ah khayrka iyo sharkaba : Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha”.

  • Dadkoo dhan wanaag uma samayn kartida laakiin dhibtaada waad ka haysan kartaa.
  • Aamuska kuwa awooda leh maaha nacasnimo laakiin waa fursad ay siiyaan kuwa caqli yar.
  • Maalku wuxu ka mid yahay risiqa Allah, laakiin waxa jira Risiqa ubadka, Risiqa caafimaadka, Risiqa Barakada. Mana ah risiqu Maal keliya.
  • Muhimaduu maaha inaad dadka oo dhan wanaajiso, laakiin xikmadu waa in aanad qof dhibin.
  • Faylsuufkii Sokheret markii la dilayay isagoo sii dhimanaya ayuu xikmadan yidhi “ Waxa hoogay ninka caqligiisu uu ka horeeya wakhtiga uu nool yahay”
  • Hamigu waa xanuun badhkii, deganaashuhu waa dawada badhkeed, sabirkuna waa caafimaadka.
  • Khilaafka dheeraada wuxu muujinayaa in labada dhinacba khaldan yihiin.

Cidna haka sugin mahadnaq, waxaa kugu filan Abaalka Allah (sw), waxba kaama galin kii ku bakhaylay ama ku xaasiday

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com