Sahanka Raage (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Muddo ayuu la soo shaqeeyey maamulladii xukuumadihii rayidka ahaa, ka hor inta aanu Jaamacaddii Ummadda macalin ka noqon. Raage intii danbe oo dhan waxbarashada ayuu u go’ay oo heersare ka gaadhay. Ku dhawaad saddex tobanle iyo badh ayuu macalin ka ahaa jaamacaddo kala duwan oo dalka iyo dibadda ah isaga oo dhigayay maadooyinka dhaqaalaha, qaanuunka iyo siyaasadda. Intan danbe odayga sheeko iyo fadhi wadaag ayaan nahay, caawase muxaadaro caam ah ayuu qabtay. Dad door ah ayaa ka soo qayb galay, qoddobo waaweyn oo masiiri ahna- intii waqtigu ku simay- dhayda ayuu ka caddeeyey. Gebagebadii su’aallo tiro badan ayaa la waydiiyey.

Hoggaaminta iyo Adeegga Guud

Qofka hoggaamiyaha ah iyo sifaha laga rabo ayuu ugu horeynba ku bilaabayaa:

Qofka la odhan karo waa hoggaamiye, waa inuu leeyahay awood uu bulshada ku jihayn karo; dhinaca ay u socdaan maahee, jiho kale u dhaqaajin karo, ama hal-abuur uu hindisay ka midha dhallintiisa bulshada u adeegsan kara. Madaxweynihii hore ee Maraykan Ronald Reagan ayaa mar uu ka hadlayey hoggaaminta laga soo sheegay inuu yidhi, ‘Hogaamiyuhu maaha ka wax weyn isagu hirgaliya, balse waa ka dhaqaajiya dadka si ay wax weyn iyagu u fulliyaan’ Markaa si kooban, hoggaamiyuhu waa inuu hiraal, karti iyo saameyn yeeshaa.

Hoggaaminta in sideedaba la barto iyo in loo dhasho ayuu su’aalay nin oday ah oo boorso wayn xambaarsanaa oo safka u horeeeya fadhiyey.

“Way jiraan dad leh haybad iyo karti hoggaamineed oo dabiici ah, balse dadkaa laftooda waxa u furan inay aqoonneeyaan oo sii xoojiyaan. Qolyaha dugsiyada aaday laftooda waxa laga rabaa inay daraaseeyaan oo naaqishaan hoggaaminta dhaladka ah si wax looga baran karo” ayuu mawduuca ku sii darayaa Raage.

“Hoggaamintu waa shay lagu tababarto oo la sii horumarin karo. Markaa waxna waa hibo iyo u dhalasho, waxna waa tababar iyo barasho” ayuu ku sii kabayaa.

Gabadh ardayad ah oo qof codkar ah u muuqatay ayaa su’aalaysa shaqada xafiisyada dawladda iyo adeegyada guud – aragtidiisa- sida loo sii horumarin karo.

“Xafiisyada dawladdu waa inay dhidibo adag ku taagnaadaan, xirfadyaqaanada ka hawlgalaa, waa inay siyaasadda ka madaxbanaan yihiin. Waa in dabaylaha isbeddelada ku sidkani aanay ruxi karin. Waa in la la xisaabtami karaa. Si fudud, waa inay adeegyo loo siman yahay bixiyaan, karti iyo adkaysi u leeyihiin ka jawaabida baahiyaha dadkooda goor iyo xaalad walba”

Xeerarka, Garsoorka iyo Warbaahinta

Dastuur iyo xeerar qeexani waa tiir weyn oo aanay dawladnimo ka maarmin. Si loo helo xeerar iyo qawaaniin lagu kala socdo, imika wuxuu Raage iftiiminayaa ahmiyadda goleyaasha xeer-curinta u xilsaaran.

Saddex sifo oo uu u arko ma-dhaafaan ayuu shaqadooda ku qeexayaa: sharci samayn, metelaad iyo la xisaabtanka xukuumadda. Ta u danbaysa ayuu carrabka ku xejinayaa oo wuxuu tilmaamayaa sida ay darruuri u tahay in dheelliga laga jiro hay’adaha xukuumiga ah.

“Si aan naxariis lahayn waa inay xubnaha fullinta ugula xisaabtamaan ku shaqaynta sharciga iyo hirgalinta siyaasadda ay iyagu marka horeba soo curiyeen” ayuu ku sii ladhayaa.

Garsoorka oo lagu tilmaamo udub-dhexaadka deganaan iyo horukac bulsho ayuu mawduucan ku xidhiidhinayaa.  Garsoorku waa halkay u dhimatayba. Ummad aan garsoor hagaagsan lahayni, mar ay noqotaba, kolay waa tii dunta. Waa halkii Harrison Ford’ e ‘Nabadgelyadu maaha colaad la’aanta, waa sugida cadaaladda’.

Garsoorku waa inuu madaxbanaan yahay, loo siman yahay, eex ka madhnaadaa, hufnaantu astaan u tahay, cadaalad-na lagu majeertaa. Si intaasba loo helo, bahda garsoorka, waa in baahiyahooga aasaasiga ah qaranku daboolaa, aqoontoodana si joogto ah loo kobciyaa”

Warbaahinta oo lagu tilmaamo aalad saameyn togan iyo mid taban ba leh inuu dhawr eray ka yidhaa ayuu ka dalbaday ruux aan magaciisa iyo mihnadiisa midna sheegin, balse su’aasha uun toos u abbaaray.

“Warbaahin haddii aan ka hadlayno, maaha tan laguma dhaamee dhaqaaqda ahe, kaalin weyn ayaa u banaan. Meelaha qaar waxaba la gaadhsiiyey in la yidhaa, “Cida warbaahinta hagta ayaa qalbiyadana hanata”. Markaa waa inay warka tebisaa, dadka wax bartaa, isla markaana madadaalisaa. Uma baahnin warbaahin iskudir iyo nacayb beerta. Uma baahnin warbaahin aan wax baadhin, wax qodqodin oo warkoogu dul-ka-xaadis iyo ku-tidhi-kuteen aanu dhaafsiineyn. Waxaan u baahanahay warbaahin aqoonaysan, mas’uul ah oo wax toosisa.

Kaalinta Bulshada   

Ilaa imika dawladda iyo laamaheeda uun buu ka hadlayee, gabadh kale ayaa xasuusisey shacabka laftooda kaalinta looga baahan yahay.

“Shacabku waa inuu ul iyo diirkeed noqdaa, kala gartaa qoddobada lagu kala aragti duwanaan karo iyo kuwa u baahan midnimo guud. Waa inuu tacab ogol yahay, fadhiidnimo diidan yahay, xoogsi iyo wax-soo-saar ku foogan yahay”

Wuu sii wadaa oo mawaaqiifta muwaadinka laga filan karo ayuu tilmaamayaa.

“Xumuumaddu marka ay dhabbo sax ah haysato, waa inay taageeraan, haddii kooxda xilka haysaa, tallo-maroorsi la timaadna, ka joog waryaa waa inay odhan karaan”

Tacliinta iyo Suugaanta

Bulsho in lagu doorin karo waxbarasho iyo tacliin tayaysan ayuu si adag u rumeysan yahay. Wuxuu mar walba ku halqabsadaa hadalkii Nelson Mandela ee macnihiisu ahaa, ‘Tacliintu waa hubka ugu awood badan ee aad ku dhalin karto isbeddel bulsho’

Tacliinta uu is leeyahay way ina anfacaysaa, ayaan fursaddii aan su’aalaha u helay, faahfaahin kaga dalbaday.

“Marka hore waxaan u baahanahay manhaj ama muqarrar ku sar-go’an durrufaheena iyo himillooyinkeena ummadeed” ayuu ku bilaabayaa.

“Nidaam waxbarasho oo soo saara arday baraarugsan, dal-jecel, ku hubaysan aqoon heersare ah oo aan la loodin karin, qab wadaninimo xambaarsan oo horusocod ah”

Manhajkaas macallinkii gudbin lahaa oo tababaran in la helaa, waa kama tegto. Waliba tacliinta aasaasiga ah inaan culayska saarno weeyi, waayo iyada ayaa ah unuga iyo salka aqoonta. Wiilal iyo hablo in loo sinnaado ayaa la rabaa oo aan hablaha la duudsiyin, Soomaalidu dumarka guud ahaan way gacan-bidixeeyaane.

Waan iska sii qiyaasay inaanu mawduucan ka baxayn isaga oo aan kaalinta haweenka wax ka odhan, waayo sida uu u godlado marka mawduucaa la soo hadal qaado ayaan ogahay.

“Xaalkeena markaad daristo, farsamada gacanta,  sayniska iyo hal-abuurka inaan culayska saarno ayaa inoo dan ah ayaan is leeyahay” ayuu ku sii axadhayaa.

Aniga oo si xiiso leh u dhegaysanaya falanqeyntan ayuu mid kale oo dadkii su’aalaha waydiiyey ahi dalbaday in markan diirada la saaro qayb wayn oo bulshada ka mid ah, eraygooguna saameyn ballaadhan leeyahay. Waa bahda suugaanleyda, qallinleyda iyo hal-abuurka.

Kaalin weyn ayaa uga bannaan dhisida dal iyo dad dhab u madaxbanaan, isku filan oo is neef ogol. Garaadka bulshada waa inay ku habaan suugaan iyo dhiganayaal hodan ah oo qaranimada godliya, garashada kobciya, dadkana isku soo dhaweeya.

Waa inay u taagnaadaan la dirirka xumaanta iyo iftiiminta samaanta. Hadii ay gartaan xilka saaran oo aanay inta talada haysa halku-dhegyadooda ka daba jiibin, bulshada fahamkooda way korin karaan, una riixi karaan dhinaca danta qowmiga ahi jirto. Se waa haddii bulshada lafteedu soo jeedo, wax akhrido/maqlayso oo baraarugsan tahay.

Diinta iyo Akhlaaqda Ganacsiga

Culimada diinta oo aan looga maarmin dhisida ruux degan iyo is-jacayl bulsho ayay haddanna su’aalihii ku dul hakadeen. Nin oday ah oo wajigiisa raadkii sujuuddu ka muuqato ayaa su’aashan keenay.

Culimada waxa laga rabaa inay u dabran yihiin quwaynta iimaanka, dhisida ruuxda, isjaclaysiinta shacabka iyo la dagaalanka xannuunadda bulshada damiirka ka asiiba. Dadka waa inay u dhibriyaan oo si dabacsan wax ugu sheegaan, maxaa yeelay Ilaahay (SWT) markii uu Muuse iyo Haaruun (CS) u dirayay Fircoon oo kibirkiisa la ogaa, waxa uu u sheegay inay si debecsan ula hadlaan, la arkee inuu waantoobo ama Alle ka cabsadee (Quraan 20:44)

Bulshada waa inay xaqa u caddeeyaan, jahliga kala dagaalaan, si xun wax u sheegga diinta ku hoos gabanayanna, waa in dhinac laga wada joogsadaa.

Fasirka iyo fatwada diiniga ahi maaha inay noqoto jaantaa-rogan. Sidaas waa lagu jabaa. Waa in la helaa gole sare oo culimadu ku midaysan yihiin, iftiiminta arrimaha diintana looga danbeeyaa.

Qof arraarta ku dheeraaday ayaa warsaday si aanu dal dawladda wax walba uga sugin, ganacsiga gaarka ahi kaalinta uu qaadan karo?

Ganacsatadu kaalin door ah ayay dal walba ugu jiraan. Haddii ay dadaalaan, way noqon karaan shaqo-dhaliyaha ugu weyn iyo dhaqaajiyaha dhaqaalaha maxalliga ah.

Ganacsigu edeb ayaanu ka madhnaan. Ha ku tartamaan hindise iyo hal-abuur dadka iyo deegaanka wax uu u soo kordhiyo ma ogiye, aan waxba u dhimin. Ta dawlad ahina, ha abuurto jawigii ganacsigaasi ku hanaqaadi lahaa, maalgalin shisheeyana soo dhiirrin lahaa.

Hufnaanta

Wax is daba marintu in ay tahay cudur qarannimada hagaasiya aad buu ula socdaa. Markaa inuu hadalkiisan astaan ugu sameeyo ayuu rabaa.

“In la cidhibtiro wax is daba marinta, mudadda fog waa in laga dhigtaa himillo la higsado, imikase, waqtiga la joogo waa in dagaal adag lagu qaado. Iimaanka iyo wadaniyaddu waa laba hub oo awood badan ee ha la adeegsado oo ha la xoojiyo.

Dadka danta guud loo diray, qaranku wuu bixin karaaye, wax ay ku noolaan karaan ha u qoro. Intaa dabadeed, ruuxii xadgudba ee nafta laylyi kari waaya, ciqaab adag ha la marsiiyo.

Ruux kale ayaa ka dhex galay oo mar kale xasuusiyey in qaddiyadahan waaweyn ee uu ka hadlay ay inta badan yihiin kuwo caalami ah, dalal badanna isku dayayaan hirgalintooda -itaal meel uu dhigaba. Qoddobadaas waxa ka mid ah isla xisaabtanka, dejinta xeerar anfac leh, daahfurnaanta, suuqa xorta ah iyo warbaahin xilkas ah. Wuxuu waydiiyey sida arrimahanni dal walba looga hirgalin karo, haddii aan la tixgalin kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee shucuubta dunida iyo waayaha dal walba gaar ahaan ugu xeeran.

Caagad biyo ah oo miiska u saarnayd ayuu laba jeer kabbaday, hore u soo tiirsaday oo yara xabeeb tirtay.

Kala duwanaansho deegaanka, dhaqanka iyo dhaqaalaha salka ku hayaa waa jiraa, in la tixgaliyana waa mudan yahay, ha yeeshee sirtu waxay ku jirtaa sida labada la isku qabadsiinayo. Tusaale, dad badan oo aanay dani ugu jirin sarraynta sharciga iyo isla xisaabtanka ayaa ku deedafeeya arrimahan inay yihiin kuwo soo galayti ah balse aanay ahayn carro-dhalad, halka qaar kalena, u adeegsadaan uun inay ku awr-kacsadaan. Markaa arrintu ka maarmi mayso daacadnimo, feejignaan iyo fiiro-dheeri.

Isku duubni

Gabadh ilaa mar hore gacangta taagaysay ayaa hadda fursad heshay. Waxay waydiisay sida lagu abuuri karo bulsho isku duuban oo dhan u wada jeeda iyo waxa caqabad ku noqon kara helitaanka bulsho sifahaas leh. Sidii wax aan la fahmin waydiinteeda ayay eraybixin ay soo ergisatay iftiimin ka dayday. ‘Waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Inclusive Society’ ayaan ka wadaa ayay ku sii xoojisay.

Bulsho isku duuban oo isku dareen ah waa la abuuri karaa haddii la helo tiirarka udub-dhexaadka u ah isku duubnida bulshada – sinaan iyo cadaalad. Waxa sal u ah u sinaanta adeegyada bulshada, si siman ugu xaqsoorka inta la wada leeyahay oo ay ku jirto awood iyo khayraad qaybsigu. Markaas ayay bulshadu noqonaysaa isku dareen ul iyo diirkeed ah. Waxbaa wada damqaya, ka wada farxinaya ama ka wada nixinaya. Haddii aan si kale u dhigno, bulsho isku uursan oo dareen-wadaag ah ayaa dhalanaysa.

Waxa caqabad ku noqda hunguri weynida, awood-maroorsiga  iyo xaqsoor la’aanta. Tabashada daba dheeraata ee xal waara laga gaadhi waayo ayaa isku bedesha gadood bulsho. Taasi waxay dhalisaa, markay ugu sahlantay, kala xigsasho iyo kala dareen, markay ugu daran tahayna, nacayb iyo gacan-ka-hadal.

Hirgalin

Wax wada wacan ayaad sheegtaye, sidii lagu hirgalin lahaanna oday noogu yara dar, ayuu su’aalay ruux u muuqday inuu si wacan ula dhacay dood-wadaagta Raage iyo dadweynaha.

“Isku darka intaa aan soo sheegay oo dhammi waa aasaaska dal iyo dawlad meel sare higsanaya, is neef ogol, isku filan oo ilbax ah.

Intaba waa la heli karaa haddii qaad, wahsi iyo qabyaalada laga baxo oo loo koro tacab, is aaminaad, isku tanaasul  iyo wax wada qabsi. Ta ka wada muhiimsani waxa weeyi, hoggaan inta aan sheegnay aaminsan ayaa isbeddel dhab ah dhallin kara”

“Allow eex ma tiraabine, aqoon ha igu cadaabin” ayuu kaga baxayaa Raage, ka dib marka uu u mahadnaqo ka soo qaybgalayaasha.

Nin aan wada soconay ayaan aragtidiisa dood-wadaaga caawa waydiiyey.

‘Kuye imika ahaan uma badna in doodahani saameyn badan yeeshaan. Yeelkeede, haddii lagu celceliyo, la arkee inay raadeeyaan ajendayaasha siyaasad-dajinta iyo go’aan qaadashada mustaqbalka”

Aniga oo ogaalkaygii wax ku kordheen, mar kale dareemay marinka dheer ee ina sugaya, ha yeeshee aan hubin kaalinta shakhsi ahaan iga ga aaddan – aan ka ahayn imika ahaan – inaan sahanka Raage akhristaha la wadaago, ayaan madashii macaasalaameeyey!

abdirahman.adan@gmail.com

Hoos ka akhri qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud.

Ha tilmaamine tus (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xusuusqorkayga Xajka (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Beerta Nasashada (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Marti Sharfan (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Saaxiibbo kala hadhi waayey (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Karoona iyo Aw Diiriye kala war la’aa (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Xasiloonida Xamar (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Abuurta Alle (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Sheeko xikmad leh: Damac iyo Dalxiis (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)